DFS oo sifo aan sharci eheyn umareeysay doorashadii Gudoonka Golaha Shacabka Galmudug

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hantida Qaranka si qaldan ugu isticmaaleysa doorashada Galmudug,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Xildhibaanada cusub ee Galmudug la dejiyay Hotelo qaali ah.

    Xildhibaanadana ay Dowladda Federaalka ku bixineyso qarajka ayaa lagu wargeliyay iney doortaan musharaxa ay wadato ah oo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

    Tiro aan badneyn oo Xildhibaano ah ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga shakisay iney qiyaanaan oo aysan codka siin musharaxa Villa Somalia ay wadato,kuwaas oo cadaadis xooggan la saarayo.

    Goobaha Xildhibaanada shaqsiga ay u codeynayaan ku qoraan magaciisa ayaa lagu dhejiyay Kaamirada qarsoon,taas oo looga ogol leeyahay in looga hortago qiyaano ay sameeyaan Xildhibaanada Madaxtooyada lacagaha ka qaata.

    Doorashada Galmudug ayaa meel xasaasi ah mareysa,waxaana dadka siyaasadda u dhuun duleela ay sheegayaan in Dowladda Federaalka ay ku guuleysaneyso doorashada Galmudug.

    Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa shalay oo jimco ahayd lagu doortay magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo ay ku soo baxeen shaqsiyaad ku xiran Villa Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here