Raisal Wasaare kaire oo joojiyay dhaqan galinta mashruuca dhismaha wadooyinka

    Raisal Wasaare JFS ayaa hakiyay mashruucii saakay lagu saxiixay Muqdisho kadib markii cabasho ay gaartay Raisal Wasaaraha sinaan la’aanta hanaanka loogu qeybiyay Maamulada iyadoo mushruucaas San lagu xusin maamul Goboleedyada hirshabeelle iyo Galmudug,

    Hadal kooban oo lasoo dhigay tilifishinka qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan,

    “iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here