Dag dag Alshabaab ayaa weerar kusoo qaaday Magalada Marka

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

    Dagaalka ayaa markii hore waxaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee Marka, isla markaana waxaa intaas kadib halkaas  ka qaraxyo dagaal xoogan.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta qaraxyo xoogan oo ay daba socotay rasaas, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

    Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas Caawa ka socda Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here