Gudiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay

    Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay ku yeeshaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo shalay la ansixiyay.

    Kulanka Guddiga ayaa intii uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo ku aadan diyaar garoowa Doorashada Hoggaanka sare ee Galmudug oo maalmaha soo socda dhici doonta, iyagoona Guddigan iska dhex dooran doona Guddoomiye iyo ku-xigeen.

    Sidoo kale Guddigan Doorashada uu shalay magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ka kooban 13-xubnood, waxaana la filayaa inay Maanta ay soo saran Jadwaka Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

    Magaalaa Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha, isla markaana waxaa halkaas ku sugan Musharaxiin badan, kuwaasi oo ku tartamaya Xafiiska Madaxtooyadda Galmudug.

    Ammaanka Magaalada ayaa waxaa uu yahay mid aad oo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa AMISOM.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here