ASWJ oo qaadacday doorashada Madaxweynaha Galmudug

    Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca ayaa ka horyimid Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona arrimaha doorashada ay gacanta ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu Cadeeyay in Ahlusunna aysan qeyb ka aheyn Doorashada Galmudug oo ay sheegeen in boob ku heyso dowlada Federaalka.

    Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda  Soomaaliya ay afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka, waxaana arrintaas ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

    Ugu dambeyntii Sheekh Shaakir ayaa Musharaxiinta iyo shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay fiigo gaar ah u yeeshan boobka ay ku eedeeyeen inay dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Galmudug, iyagoona cadeeyay inaysan qeyb ka aheyn Doorashada.

    Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here