Ciidamada Nabad suguda iyo Booliska Fadaraalka ayaa Dhuusamareeb baaris ka bilaabay

    Ilawareedyo ku sugan magalada Dhuusamareeb ayaa Muqdishopost  usheegay in Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida ee Ku sugan Magaalada Dhuusamareeb  la galiyay Heegan buuxa iyadoo Ciidamo dheeri ah lagu soo Xoojiyay Rugaha Ciidan ee Ku yaala Guddaha xaafadaha.

    Sido kale Cutubyo ciidamada ka tirsan ayaa Baaritaano xoogan kawada xaafada magaalada iyadoo saraakiisha hugaaminaysa ay warbaahinta u sheegeen in lagu jiro foojignaan maadaama ay soo dhowdahay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

    Howlgalada ayaa socday ilaa iyo xalay oo ciidamada lagu arkayay Wadooyinka xaafadaha iyo jidka laamiga ah kuwaa oo suaalo waydiinaya dadka laga shakiyo .

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here