Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay wado 700 m

    Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, ayaa dhagax-dhigay wadadaasi, iyagoona shacabka Degmada kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana faa’ideystaan wadadaasi.

    Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in dhismada wadadaan ay ka faa’ideysanayaan shacabka ku dhaqan Degmada kuwaasi oo shaqo abuur loogu dhigay, isla markaana marka ay soo idlaato ay xil ka saaran tahay sidii ay u wada ilaashan lahaayeen, waxa ayna Maamulka Gobolka ugu mahadcelisay fulinta Mashruucaan oo qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Degmada iyo kan Caasimadda.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here