Shuruudaha Musharixiinta madaxweynaha Galmudug

    Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenada Galmudug.

    Guddiga Doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan inay fuliyan Musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay Muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug , isla markaana uu heyso shahaado Jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sanno ah.

    Sidoo kale Shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in Musharax u tartmaya xilka Madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo Dollar, halka Madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo Dollar.

    Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Guddiga Doorashada.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here