Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo lakulmay Gudi katirsan Aqalka Sare

    Guddiga Ku-meel gaarka ah ee Ka Baaraandeggidda Hindise -Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare -BFS ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aadan Hinidise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magalada Muqdisho ka socday kulamo guddiga KMG ee diyaarinta sharciga doorashooyinka ee golaha aqalka sare ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka dhageysanaya aragtidooda ku aaddan nooca doorasho eek a dhici karta dalka.

    Dhinaca kalana guddiga ayaa la filayaa in golaha aqalka sare ay horgeeyaan dhammaan talooyinkii ay kasoo uruuriyeen bulshada si loosii amba qaado doodad Hindese-sharciyeedkaan oo horay ay usoo meelmariyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

       

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here