Hay’ada Nabad suguda Soomaaliya oo xirtay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga G/Banaadir

    Xogo hadda nasoo gaartay ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay galabta xirtay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay yihiin Al-Shabaab.

    Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in baaritaan iyo dabagal ay muddo hay’adda ku wadday lasoo geba-gebeeyey, islamarkaana la xiray guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in labada qof ee ay NISA xirtay la ogaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn ganacsi, oo aysan ahayn ganacsato, balse ay ahaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo Shabaab ay soo magacaabeen, sida ay NISA rumeysan tahay.

    Xogta aan ka helnay ilo-wareedyada sirdoonka, ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay.

    Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

    Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal lasoo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab.

    Xigasho Caasimada Online

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here