Raisal Wasaare Khayre oo sagootiyay cutubyo ka tirsan CXDS oo howlgal loodiray

    Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.

    Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

    Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

    Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya la-dagaalanka Al-shabaab ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

    Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo Shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here