Madaxweyne Waare oo dhagax dhigay wado cusub oo laami ah

    Munaasabada Lagu dhagax dhigayey Wadooyinka laamiga ah dhaxmarto Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, maamulka Gobolka iyo kan degmada, iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan

    Wadooyinkani la dhisayo ayaa waxay muhiim u yihiin bilicda Magaalada iyadoo dhaqaalaha ku baxayo ay gacan ka geysaneyso hey’adda Horumarinta Ee SSF Sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud Iyo dib u dhiska Hirshabeelle mudane Jaamac.

    Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Mashaariic Horumarineeyd ee laga Fulinayo magaaalda Beladweyne sida dhismaha Garoonka Diyaaradaha iyo midka biyaha Fatahaada looga wareejinayo Magaalada Baladweyne.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here