Dag dag sheikh shaakir oo loodoortay Madaxweynaha Galmudug

    Ahlusunna Waljameeca ayaa Goordhow Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug u dooratay Sheekh Maxamed Shaakir, kadib Doorasho halkaas  ka dhacday.

    Xildhibaanada Galmudug garabka Ahlusunna  ayaa Maanta Doorasho ku qabsaday Xarunta Inji eek u taalla Dhuusamareeb, iyagoona Madaxweyne u doortay Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

    Sheekh Shaakir ayaa waxaa la sheegay inay la tartameen laba Musharax, hayeeshee markii dambe ay u tanaasuleen, waxaana Xildhibaanada sidaas ay ku dooteen Sheekh Shaakir.

    Shalay ayay aheyd markii Ahlusunna ay Magaalada Dhuusamareeb ku doorteen Guddoomiye Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeenka, iyagoona Maanta doortay Madaxweye Cusub.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here