Duqa Muqdisho oo qaabilay Safiirka talyaaniga ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

    Kulankani ayaa inta uu socday wax yaabihii laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dowlada Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed sareeya guuto Saadaq Cumar Xasan.

    Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay ayaa faah faahiyay waxyaabihii ay kawada hadleen safiirka.

      

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here