Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez, kaasi oo gaaray Hargeysa.

    Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee Midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

    Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here