Waxaa albaabada la isugu dhuftay iskuulo badan oo Gaarisa ku yaal Alshabab dartood

    Kadib markii ay kordheen weerarada dagaaalamayaasha Al-shabaab ay ka fulinayan gudaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in geb ahaan Albaabada loo laabay Iskuuladii ku yaalla Gobolka Gaarisa.

    Waadiliinta kunool Gobolka Gaarisa ee Caruurtooda wax ka bartaan Iskuulada ku yaalla halkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay Caruurtooda ay kala baxayaan Iskuulada ilaa iyo inta dowladda Kenya ay xal uga heleyso macallimiinta wax ka dhiga halkaas.

    Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa sheegay isbeddellada lagu sameynayo Macallimiinta in ay abuurayso kala qeybsanaan, islamarkaana sahleyso in ay u gacan galaan Al-shabaab.

    Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in Gobolka Gaarisa ay isaga carareen in ka badan 30 Macalin oo wax ka dhigi jiray Iskuulo badan oo ku yaallay Gobolkaas, waxaana sababta ugu weyn ay bixitaankooda lagu sheegay inay tahay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku dileen saddex Macalin.

    Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar kala duwan ka geysa deegaano ka tirsan Kenya, waxaana weeraradaas ka dhashay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here