Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay wado laami ah

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay wado 1.5KM (Hal kiilo mitir iyo bar) wadadaasi oo isku xirta Saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis iyo wadada Mirinaayada.

    Wadadan ayaa sidoo kale hormarta Xerada Gaadiidka Booliska iyo Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium, waxaana wadadan ay halbowle u tahay isku xirka degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan illaa xeebta Liido.

    Mashruuca dhagaxa dhiggan wadadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha waaxyaha iyo maamulada qaar ka mid ah degmooyinka.

    Guddoomiyaha degmada C/casiis Mahdi faarax Cabdulle ayaa sheegay in bulshada ku nool degmada ay aad ugu faraxsan yihiin mashruucan, isagoo xusay in wadadan ay dadka iyo gaadiidka dhibaato kala duwan ku qabeen, gaar ahaan dadka aadaya Xeebta Liido iyo xaafadaha degmooyinka deriska la ah C/casiis.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in mashruuca dhagaxa dhigan wadadan uu yahay mid ka qeyb qaadan doona bilicda iyo horumarka Caasimadda, isla markaana isu socodka magaalada iyo isu socodka

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayo howlaha mashaariicda horumarinta caasimadda Muqdisho, isla markaana muddooyinka soo socda ay sii wadi doonaan horumarinta caasimadda iyo dhismayaasha waddooyinka halbowlaha ah.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here