Madasha Xisbiyada Qaran oo qaadacay doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb

    Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Madaxweynaha Cusub ee Galmudug loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

    Qoraalka ay soo saareen Madasha Xisbiyada oo ku qornaa Luuqada  Ingariis-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ay aheyd mid aan xor iyo xalaal toona aheyn, isla markaana aysan u  dhici sidii loo baahnaa.

    Sidoo kale Mdaasha ayaa siweyn uga soo horjeesatay taageeradii uu Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u umuujiyay Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo shalay Xildhibaanada Galmudug u doorteen Madaxweyne.

    Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhinacyada Siyaasadda ee isaga soo horjeeda Galmudug ugu baaqday inay Khilaafkooda ku dhameeyan wada-hadal dhab ah.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here