AFRICOM oo Duqaysay Laba Saldhig oo ay lahaayeen Al Shabaab

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay bur burisay Laba Saldhig oo dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ku lahaayeen Koofurta Soomaaliya.

    War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Weerarro Mareykanka uu ka fuliyay Gobollada Jubbooyinka 23-29kii January lagu bur buriyay laba Saldhig oo ay Al-shabaab ka abaabuli jireen weerarrada iyaga ka dhanka ah.

    Intii howlgalladaas ay socdeen ayey sheegeen in ay dileen mid ka mid ah Al-shabaab sidoo kalena ka bur buriyeen labo xarun.

    Saldhigyada uu sheegtay Mareykanka in uu bur buriyay waxaa ay ku kala yaallaan Magaalooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan Jubada hoose iyo Jubada dhexe.

    Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Geeska Afrika.

    Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka lagu sheegay in ay lahayd qeybta hoggaaminta howlgalladaas islamarkaana labada ciidan iska kaashanayeen fulintooda.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here