Madaxweyne Waare oo lakulmay wafdi balaaran oo kasocdo UNHCR

    Wakiilka Soomaaliyaa ee hay’adda qaxootiga Aadduunka ee UNCHR iyo ergaga gaarka ee u qaabilsan Afrika ayaa gaaray magaalada  Beledweyne kadib fataahaadihii wabiga Shabeelle uu ka sameyay Beledweyne.

    Wafdiga gaaray Baladweyne ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,iyagoo kala hadlay xaaladda iyo sida ugu macquulsan ee dadka ka barakacay Fatahaada gargaar lagu gaarsiin karo,kuwaas oo ku sugan xero Barakacayaal oo loogu talagalay.

    Dhanka kalana waxay kormeer ku tageen qar kamid ah xeryaha ay dadka ku barakaceen  ee Beledweyne,si ay ugu kuur galaan xaaladda ka jirta xiryaha dadka ay ku sugaan yihiin.

    Magaalada Beledweyne ayaa hataan kasoo kabanaysa fatahaadii webiga Shabeelle u ka sameyay magaalada ,iyadoo ay ka barakaceen qaar ka mid ah dadkii ku noola Beledweyne.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here