Diyaaradaha Drone ka Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Jubada Hoose

    Duqeyntaas ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Beer-xaani ee duleedka Kismaayo, isla markaana waxaa la sheegay in lala eegtay xubin kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

    Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa War kasoo saaray  duqeyntii ka dhacday galbeedka Kismaayo, iyagoona sheegtay in halkaas ay ku dileen xubin ka tirsan Al-shabaab.

    Sidoo kale Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa u sheegeen in duqeynta aysan wax Khasaaro dhimasho ah kasoo gaarin dadka rayidka ahaa ee goobta ka Agdhawaa.

    Inta iyo markii uu bilowday sanadkan Cusub ee 2020 Mareykanka ayaa waxaa uu gudaha dalka Soomaaliya ka fuliyay ilaa iyo lix duqeymood, kuwaasi oo qaarkood la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here