Dowlada Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlaayo cudurka Coronavirus

    Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ka furmay Shirka looga hadlayo arrimo la xiriira Cudurka halista ee loo yaqaano Coronavirus  kasoo ka dilaacay dalka Shiinaha gaar ahaan Gobolka Wuhan.

    Shirkan ayaa waxaa shir guddoominaya Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar, waxaana ka qeyb galaya Wasaaradaha Caafimaadka maamul Goboleedyada.

    Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ka hortaga Cudurka Coronavirus iyo qodobo kale oo ku sabasan Cudurkaas oo kamid ah yihiin Caalamaha lagu aqoosado.

    Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay dhaqaatiir Caafimaad oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka maamul Goboleedyada dalka iyo kuwo Caalami ah.

    Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka bilowday Olole dadka kasoo degaya Garoonka looga baarayo  Coronavirus, kuwaasi oo ka yimid dalal kala duwan.

    Cudurka Coronavirus ayaa siweyn uga dilaacay dalka Shiinaha, waxaana Cudurkaas Digniino Culus kasoo saaray Wadamada Caalamka, iyadoona Cudurkaas ay dad badan u dhinteen, halka kuwo kalena ay la jiifaan.

       

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here