Abdirahmaan Abdishakuur oo DFS ku eedeyay in ay iska iloowday ladagalanka Argagaxisada

    Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur oo ka hadlay Ciidamada Dowlada ee loo daad gureeyay Gobolka Gedo & Galgaduud ayuu ku sheegay in Dowlada iska iloowday ladagaalanka argagaxisada taaso  badalkeedana ay colaad ka hurineyso goobo sugan amnigooda kana jiro maamulo , wuxuu si gaar ah isdul taagay in kooxda xagjirka Alshabaab ay heshay fursad ay ku bartilmaameysato bulshada qeybaheeda kala duwan maadama aysan jirin weerar kaga imaanayo dhinaca dowlada , Abdirahmaan Abdishakuur Warsame hadaladiisa waxaa ka mid ahaa sida tan ,

    “Dowladda Federaalka ah ciidan Al-Shabaab la dagaala ma hayso, meelaha laga xoreeyo Al-Shabaabna ciidan xasilliya ma hayso, laakiin boqolaal ciidanka iyo gawaarida dagaalka way u haysaa in ay Gedo kaga qabsato Juballand,  Dhuusamareeb na  Ahlu-Sunna.

    Al-Shabaab labo jeer ayey faa’iideen; waa mar oo dagaal lagulama jiro, marka labaadna cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso, waxay ka helayaan taageerayaal badan. Su’aaashu waxay tahay sow xooga dawlada Alshabaab looguma shaqeeyo.”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here