Dowlada Sudan oo kukala qeybsantay Kulankii dhax maray Gen. Burhaan & Netanyahu

    Taliska  Ciidanka  Milatariga Sudan ayaa taageeray  kulankii dhaxmaray Gen. Abdel Fatah  Alburhani  & Ra’iisul wasaaraha Israel ayagoo  ka wada hadleen sidii uu udhaxmari lahaa  xiriir labada dal.

    General Abdel Fattah al-Burhan mar uula kulmaayay  saraakiisha ugu  sareysa ciidamada milatariga Sudan ayuu ufaahfaahiyay waxyaabaha isla soo qaadeen Raisal Wasaare Netanyahu

    Balse waxaa si wayn uga soo horjeestay kulanka Gen Burhaan & Netanyahu inta badan Golaha Wasiirada Sudan ayagoo si cad uyiri kulankaas inuu yahay mid shaqsi oo aysan ka turjumin siyaasada Sudan , Dowladaana shaqadeeda ayaa ah in ay doorasho dalkaan ka qabato oo xukunka ku wareejiso dowlad rayid ah .

    Iyadoo la ogyahay Hogaamiyihii hore ee la afgambiyay Cumar Xasan Albashir ay  si weyn ugaga soo horjeeday Israel iyo dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka Falastiin.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here