Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo uu ku tagayo Itoobiya?

    Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada JFS ayaa sheegeya in madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu maanta ama berrito u ambabixi doono dalka Itoobiya magaaladda Addis Ababa.

    Ujeedada safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ka qeyb geli doono kulanka guud ee madaxweyneyaasha ururka midnimada qaaradda afrika oo 9 bishan febraayo ka dhici doona addis ababa itoobiya.

    Iyadoo ay beri ku beegan tahay maalintii la doortay madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo 8 febraayo sanadkii 2017, hadana ma jiraan wax ifafaalo ah oo muujinaya in ay jiro munaasabad lagu xusayo maalintaasi, dadka siyaasada falanqeeyna ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya sababta uu madaxweynaha isku iloowsiinaayo maalintaas, halka kuwa kalena ay sheegeynaan inaaney jirin wax u qabsoomay intii uu talada hayey, sidaas darteen uu uga gambanaayo xuska maalintii la doortay.

    Waxaa Muqdisho Post loo sheegay in ay socotay maalmihii la soo dhaafay in xafladda 8 Febraayo la qorsheynayay in lagu qabto xarunta Nabadsugidda NISA, balse lama hubo in ay dhici doonto xafladdaas maadaama uu Madaxweynaha safar u yahay dalka Itoobiya

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here