Golaha Aqalka Sare ayaa dhawaan ansixin doonaan sharciga Doorashooyinka Qaranka

    Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu meel mariyo sharciga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay Aqalka ka doodayay, horayna Guddi ugu saaray si ugu soo baaraan-dagaan sharcigan.

    Doodda uu maalmihii la soo dhaafay Aqalka Sare ka lahaa sharcigan ayaa ahaa mid lagu kala aragti duwanaa oo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedeen qodobo ka mid ah sharcigan iyo in lagu daro qodobo ay daneynayeen.

    Senatada Haweenka ah ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa maalmo ka hor buuq ka keenay qodobka 23aad ee faqada 4aad ee sharciga, taasoo ka hadleysay qoondada Haweenka.

    Senatarada Haweenka ah ee Aqalka Sare ayaa ku doodaya in %30 kuraasta loo xiro Dumar kaligoodna ku tartamaan, taasoo loo arko in aysan Dastuuri ahayn hadii sidaas loo dhigana laga yaabo in ay furto buuq cusub oo keeenaya in qodobadii lagu diiiday Sharcigii ay soo diyaarisay Xukuumada ee ka hor imaanayay Qodobka 89aad ee Dastuurka.

    Inkastoo sharcigan wax ka bedel lagu sameeyay qodobadii horay u soo diyaarisay Xukuumadda, inta badan laga saaray qodobadii ka hor imaanayay dastuurka ayaa la filayaa in doodda Senatada kaddib in cod loo qaado.

    Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu meel mariyo, si ay u dhaqan gasho.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here