25.2 C
Mogadishu
Friday, September 18, 2020

    Mohamud Siyad Aadan , oo beesha caalamka ujeediyay hadal culus

     

    Maxamuud Sayid oo ku sugan meel ku dhow Beledxaawo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qalqal gelin amni iyo buburin hey’adihii soo kobcayay ay ka wado Jubbaland.

    Waxaa uu sheegay in dowladdu burburineyso hey’addihii Federaalka ku dhisnaa, isagoo farriin u diray dhammaan xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

    “Beesha Caalamka waa in aad fiirisaan waxa ka socda Soomaaliya, qarankii oo is burburinaya bal arka Ciidamada Soomaali la isku dilayo bal arka, hey’adihii soo kobcayay oo la burburinayo, waa in aad dib u eegtaan xaalada socota, rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa, waa in aadan gacan siin”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

    Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay digniino is-daba joog ka soo saarayay xaalada Gobolka Gedo, oo ay dowladda Federaalka geysay ciidamo fara badan, waxaana ka jirta cabsi dagaal degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan dowladda Federaalka.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Open chat
    Hello. Maxaan kaa caawinaa?
    Powered by
    %d bloggers like this:

    By continuing to use the site, you agree to the use of cookies. more information

    The cookie settings on this website are set to "allow cookies" to give you the best browsing experience possible. If you continue to use this website without changing your cookie settings or you click "Accept" below then you are consenting to this.

    Close