Siinka dheer waxaa ka dhacay qarax aad u xogan

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidano ka tirsan dowladda Federaalka.

    Sidoo kale qaraxa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii la socotay inta la ogyahay waxaa kugeeriyooday 2 Askari, halka 5 kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa, waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiray aaga, hayeeshee markii dambe ay fureen.

    Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here