Garoonka Muqdisho Stadium oo la dhigay rooga cagaaran

    Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa daah furtay dhigitaanka roogga cagaaran ee garoonka kubbaddaa cagta Stadium Muqdisho.

    Garoonka kubbada Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa lagu sameeyay dayactir xoog leh kadib markii sanadihii la soo dhaafay ay saldhig u ahayd ciidamada AMISOM.

    Munaasabada daahfurka dhigista roogga cagaaran ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiir Khadiijo Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Goobe, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

    Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan mas’uuliyiin doonaya inay guryo ka dhex dhistaan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

    Wasiir Khadiijo waxaa ay sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn in dad gaar ah ay guryo ka dhex dhistaan garoonka, go’aankaas oo ay horay uga xishoodeen madaxdii dalka soo martey sida ay hadalka u dhigtey.

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here