Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay kulankii dhax maray Madaxweyne Farmaajo & Muuse Biixi

    Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed loogu mahadceliyay marti-gelinta shirkii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

    “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.

    Dhinaca ke dowladda wax faah faahin ah kama bixin waxyaabaha looga hadlay kulanka labada Madaxweyne, kaasi oo qaatay dhowr daqiiqo.

    Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here