Kulan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa uu dhaxmaray M/w Xassan Shiekh Mohamoud iyo wakiilka QM

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan.

    Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

    Sidoo kale inta uu kulan socday  waxaa ay isla soo hadal qaadeen masuuliinta sida uu muhiimka u yahay wadahadal siyaasadeed oo ku dhisan wada-oggol xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso doorashada 2020/2021.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa James Swan uga mahadceliyay howlaha shaqo ee uu dalka ka wado iyo taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here