Hiiraan oo ka dhacay dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Ethiopia iyo macawiisleeyda

    Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

    Dagaalka ayaa ku bilowday israsaaseyn dhexmartay dhinacyada iyada oo markii dambana uu sii xoogeystay dagaalka oo la sheegay in ay ku dhinten dad kor u dhafaya 20-ruux o dhamaantood ah dhinacyada dagaalamay.

    Dadka deegaanka aya u sheegay warbaahinta in dagaalki uu ka dhacay deegaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,islamarkaana uu ku bilowday rasaas ay ciidamada Itoobiya ay ku fureen Kooxda Macawiisley.

    Ilaa iyo haatan maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda eek u sugan gobolka kama aysan hadal dagaalkaan kahasaaraha dhaliyay,hase’ahaatee ciidamada Itoobiya ayaa u ruuqaansaday dhinaca xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here