M/w Farmaajo oo raali galin ka bixiyay xasuuqii loogeestay dadkii Soomaaliyeed ee kunoola gobolada waqooyiha

    Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C.Farmaajo, Ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay Xassuuqii ay dawladdii Militerigu hoggaaminayeen ee Gen. Maxamed Siyaad Barre, u gaysatay Shacabkii gobolada Waqooyiga ee xadgudubkaasi kadib ku dhawaaqay, Madaxbanaanida Somaliland muddo laga joogo 30 sano.

    Madaxweyne farmaajo, cafis ayuu ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shir ka socda Magaalada Muqdisho.

    Hadalka uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa soo baxay iyadoo Maalin ka hor markii u horaysay intii la doortay ay kulmeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here