Halkuu soo maray barnaamijka dayn cafinta soomaaliya maxaase u harsan warbixin xasaasi ah

    Warbaahinta Maxalaiga ayaa dabagal ku sameysay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay, laga soo bilaabo sanadkii 2011, waxaa xogo kala duwan ka uruurinay dhaqaalayahano si dhow ula socday Nidaamka deyn cafinta iyo marxaladihii uu soo maray.

    Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa warbixinadii aan uruurinay.

    Dhaqaaluhu waa rukniga labaad ee dowladnimada marka laga tago sharciga. Laakiin sida caadada ah bulshooyinka adduunka ee aan shacabkoodu wax badan ka fahmin dhaqaalaha iyo siyaasadda waxay dhibane u noqdaan marin habaabinta ay sameeyaan siyaasiyiinta..

    Shalay IMF ayaa war soo saartay ee sheegaysa in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafin, dad badan ayaa u fasirtay, dowladduna sidaas bay u jiheysay, in Soomaaliya bisha soo socota laga cafin doonno deynta gaaraysa 5.3 billion dollar ee Soomaaliya lagu leeeyahay.

    Haddaba IMF taasi ma sheegin. IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin soo bilowday 2011, oo markaan gaartay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta ee loo yaqaanno Decision Point, oo ah in IMF iyo World Bank oo wada jira ay Soomaaliya u billaabaan tallaabooyinka ugu horeeya ee deyn cafinta oo socon kara 3 sanno illaa iyo 16 sanno.

    Deyn cafinta marka la billaabayo waa Decision Point, oo March 2020 la filayo, Soomaaliyana in deyn laga cafiyo oo ay gaarto marxaladda loo yaqaanno Completion Point, waxaa naga xiga sanado oo dadaal dheeri ah la muujiyo.

    Barnaamijka HIPC ee waddada faqriga ah deynta looga cafiyo wuxuu maraa afar marxaladood:

    1- Ambaqaadid Xiriirka IMF iyo World Bank.

    2- Kormeerka IMF oo 6 bilood looga gudbi karo.

    3- U qalmid Deyn cafin oo la yiraahdo Decision Point oo qaadan kara ugu yaraan 3 sanno illaa iyo 16 sanadood.

    4- Deyn cafin kama dambeys ah oo loo yaqaanno Completion Point.

    Maxaa la soo maray:

    1- Ambaqaadid Xiriirka IMF iyo Word Bank (Reengagement). Arrintaan waxaa billaabay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif. Shuruudaha ku xirnaa in ay samayso waxaa ka mid ahaa in Dastuurka la ansixiyo, ku meel gaarkana laga baxo.

    2-Waxaa xigay in dowladdii Xasan Sheekh ay ambaqaadday xiriirkii. Waxay ka gudubtay samaynta shaqaalaha rayidka, bankiga dhexe howlgalintiisa, abuurka golaha maaliyadda FGC, kaddibna waxay bilowday barnaamijkii ugu horeeyay ee kormeerka IMF ee SMP 1. Dowladdii Xasan Sheekh waxay ku dhacday in ay SMP 1 guul ka gaarto.

    4- SMP 1 waxaa loogu tala galay in looga gudbo keliya muddo 6 bilood ah go’aanka shalay soo baxay oo ahaa Decision Point. Hase ahaatee is bedeladii iyo sharciyadii loo baahnaa sida kan maamulka maaliyada, sharciga shirkadaha, midka la dagaalanka wax is daba marinta intaba lama sameyn.

    SMP 1 oo uu maamulkii Xasan Sheekh ka gudbi waayay, ayaa waxaa looga gudbay SMP 2.

    5- Dowladda madaxweyne Farmaajo waxay ka gudubtay SMP 4, balse waxay ku dhacday SMP 2, waa loo kordhiyay SMP 3, kaddib kordhintii dambe ayay kaga gudubtay 13 ka mid ah shuruudihii, ayagoo weli ay 4 kale u dhiman tahay.

    Decision Point oo la filayo March waa bilowga deyn cafinta, wuxuuna socom doonnaa muddo 3 sanno ah.

    Haddii Madaxweyne kale la doorto ama Farmaajo dib loo doorto, is bedeladuna socdaan deyn cafinta waxaa la gaari doontaa marka ay ugu dhowdahay 2023.

    Guusha deyn cafintu ma kooxda 2023 ku aadda xukunka miyaa sheegan doonta mise Madaxweyne iyo wasiir Maaliyadeed walba oo wax ka soo qabtay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here