Xukumada Somaliland ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey booqashada Madaxweynaha JFS Mudane Mohammed Abdullahi Farmaajo ku tagaayo hargeysa

    Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi aheyn, iyagoona uga hadlay Safar la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu tegi doono Magaalada Hargeysa.

    Madaxweyne Muuse Bixii ayaa Golaha Wasiirada Somaliland u soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Hargeysa, iyagoona aqbalay arrintaas, isla markaana waxaa ay sheegeen inay soo dhaweynayan..

    Maalmaha soo socda  ayaa la filayaa in si wadajir ah Magaalada Hargeysa uga degaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo oo ka ambabixi doona sida la sheegay  Magaalada Muqdisho.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here