Ciidamada DFS ayaa howlagalo qorsheysan ka wada inta dhaxeeyso Afgooye iyo balcad

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wadaan inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha galeen deegaanka Daniga oo la sheegay inay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

    Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in haatan la maqlayo rasaas teel teel ah, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalkaan lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa barkoontarool oo ay lacago ku qaadayeen.

    Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ay tilmaameen in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi.

    Inta badan dagaalyahannadaan ayaa weeraradooda ugu xoogan ka fuliya wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here