DFS oo uyeertay safiirkeeda u fadhiya Sudan iyo kuxigeenkiisa

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay dalka ugu soo laabtaan Safiirka u jooga dalka Suudaan Maxamed Islaaq Ibraahim iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda.

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda  Cusmaan Maxamed Axmed, iyagoona lagu amray inay dalka ugu soo laaban muddo 4 maalmood oo ka bilaabaneysa 21-ka bishaan February 2020.

    Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada Safiirka Soomaaliya ee Suudaan uu si KMG ah u sii wadi doono Axmed Ismaaciil Xuseen oo ah la-taliyaha labaad ee Safaaradda.

    Dhawaan ayay aheyd markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Safiirka Suudaan u fadhiya dowladda Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf mudo soo jiitamayay oo ku salaysnaa  sida la sheegay howlaha Safaaradda.

    Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cawad.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here