Madaxweyne Ali Mahdi Mohamuud ayaa si kulul uga hadlay dad lasheegay in ay ishortaagi rabeen ineey kulmaan Mudulood

    Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa khudbad ubadneyd Sarbeeb waxa uu ka jeediyey Shirkii maanta ka dhacay Muqdisho Oo Shirka Beesha Mudulood lahaayeen ah.

    Shirkaan waxaa uu Cali Mahdi hoosta ka xariiqay inay noqoto mid ay isku duubni muujiyaan Mudulood oo midkooda fir fircoon aan lala boodin.

    Waxa uu dib ugocday Dar daaran uu siiyey Macalin Nuur 50 sano ka hor,Dilkii Salaad Gabeyre Uu kusoo lifaaqay Khudbadiisa iyo Sarbeebtaas oo badi dadka aysan wax ka fahmin.

    Cali Mahdi ayaa sheegay in iyagu Ka Mudulood ahaan aysan diidaneyn Hormarka iyo Dawladnimada balse aysan dooneyn in la juujuubo oo xitaa warar la isla dhexmarayey sheegayeen in Mudulood kulmi karin.

    Madaxweynihii hore Ee Soomaalia Cali Mahdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Qowmiyad ay Mudulood yihiin ayna Dawlada ugu baaqayaan inay hagar daamada la rabto ka joojiso.

    Shirkan oo maalmihii u dambeeyay la waday qaban qaabadiisa ayaa waxaa lagu martiqaaday Madax hore, siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

    Isku daygii koowaad ee la doonayay in shirka lagu baajiyo ayaa xalay dhicisoobay, kaddib markii siyaasiyiin ku xiran Madaxtooyada ay isku dayeen in odayaasha dhaqanka ee Hormuudka u ahaa kulankaas inay ku qanciyaan in shirka dib loo dhigo.

    Sidoo kale waxaa bilowday isku day labaad oo ah qorshe laamaha amniga dowladda ku doonayaan in shirka la baajiyo sida waddooyinka oo la xiro, iyo Hotelka lagu dhigayo shirka oo digniino loo diray.

    Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka socday Muqdisho shirar ay leeyihiin beelaha qaar, waxaana shirkii u dambeeyay u ahaa shirka Beesha Xawaadle oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Wasiiro, odayaal dhaqameedyo iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here