Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sameeyay xilka qaadis

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay  Wasiiro ka tirsan maamulkiisa, isagoo magacaabay kuwo kale.

    Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilalkii laga qaaday Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, Cabdiramaan Cismaan Malaaq, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Faysal Cabdullaahi Cali iyo Jabriil Maxamuud Aadan Wasiir ku-xigeenkii Waxbarashada Koonfur Galbeed.

    Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed u magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Cabduqaadir Cumar Cabdullaahi ayaa lamga dhigay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo C/fitaax Isaaq Maxamed oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada.

    Wareegtada xilka qaadis iyo Magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur  Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here