Dagaal aan waxba la isugu yareesan oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Ahlusunna oo maanta dib uga qarxay magaalada Dhuusamareeb eecaasimadda mamaulka Galmudug.

    Dagaalkaa oo ka xooggan kii xalay ka dhacay magaalada ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyada oo daryanka rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen laga maqlayay meelo ka fog Dhuusamareeb.

    Dad goobjoogayaal aha ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka xooggiisu uu ka dhacay xarunta Inji oo ay deganyihiin masuuliyiinta ugu sareysa Ahlusunna,iyada oo markii dagaalku uu xoogeystayna ay ciidamada taabacsan Ahlusunna ay ka dagaalamayeen waddooyinka soo gala Inji.

    Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka xalay ilaa maanta ka socda magaalada Dhuusamareeb waxaana maanta oo Jimca ah hakad  ku jira isku socodka Ganacsiga magaalada iyada oo dadku ay guryahooda ku jiraan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here