Banaanbax looga so horjeedo Ciidamada Kenya oo kasocdo Gobolka Gado

    Dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda Kenya ayaa manta ka dhacay Dagmada luuq Ganaaney ee Gobalka Gedo.

    Dadka binanbaxa dhigayey waxay ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah dowlada Kenya .

    Ujeedka binanbaxa ayaa ahaa daandansiga Kenya ay ka wado gudaha  wadanka somaliya

    Gadoomiyaha degmda lug ee gobalka gedo  Maxamed cabdulahi maxamed (gardhuub ) ayaa ka hadlay ujeedka binan baxaan.

    Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Khamiistii ugu baaqday dowlada Kenya   in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay warqad shalay ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ku eedeysay dowlada Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

    Afhayeenka dowlada Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

    “Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna

    Isku soo baxaan maanta oo sabti ah dhacay ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamo ka tirsan jubaland ay ku sugan yihiin xadka somaliya iyo Kenya isla markaana rabo in ay degaal ku qaadan degmada baladxaawo taas oo sababtay in dadkii degnaa xadka ay sameeyan barakac.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here