Dowlada Kenya oo si kulul uga jawaabtay eeda kaga timaaday Soomaaliya

    Dowladda Kenya ayaa Markale ka Jawaabtay eedeeyn Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay, taasi oo aheyd in Kenya ay faragelin cad ka wado xuduudka labada dal ay wadaagan.

    War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedii uga timid dowladda Soomaaliya ee la xariirtay in faragelin ay ku wado Siyaasadda Arrimaha gudaha dalka iyo xuduudka labada dal.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Cabasho ka yihiin qoraal uu Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey u gudbiyay Golaha Amaanka, kaasi oo lagu sheegay in Kenya ay faragelin ku wado Somalia, waxaana sidaas qoray  Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi oo tilmaamay inuu arkay qoraalka kasoo baxay Kenya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku wado Xuduudka labada dal ay wadaagan, waxaana dowladda ay Kenya ugu baaqday inay joojiyo arrintaas.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, hayeeshee arrintaas ay Kenya garan weyday.

    Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay go’an tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here