Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay jiida hore ee dagaalka

    Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Maanta Booqday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

    Ujeedka Booqashada Taliyaha Ciidamada lugta General C/Xamiid uu ku Tagay Degmada Awdheegle ayaa ahaa u kuurgalida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Awdheegle iyo arrimo kale oo la xiriirka dhanka Ciidanka.

    Generaal C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Mid mid waxa uu u dul istaagay Difaacyada Ciidamada, isagoona halkaasi kula dardaarmay ciidamada ku sugan furumaha hore ee dagaalka Awdheegle.

    Taliyaha Ciidamada lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed DirirĀ  oo la hadlayay Ciidamada waxa uu sheegay in ay ugu tagi doonaan Goobaha ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here