Ciidanka booliska ee Haramcad oo diyaar gaar loga qaaday Muqdisho ayaa laga dajiyay Dhuusamareeb

    Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa  Goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

    Ciidamada ayaa waxaa diyaarad gaar ah looga qaaday Magaalada Muqdisho, iyagoona  gaaray Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad iyo kuwa Milateriga dowladda.

    Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Cusub ay ka qeyb qaadan doonaan Sugida amaanka Caasimadda Galmudug iyo fulinta howlgalada gaarka ah.

    Ciidamada ayaa waxaa la geeyay Xarumo ku yaalla Magaalada, iyagoona ka sameeyn doona fariisimo, isla markaana waxaa ay ka qeyb noqonayaan Ciidankii dowlada Federaalka ay horey halkaas u geeysay.

    Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo daabulay Ciidamada Booliska ee Haramcad oo ay horey u geysya dowladda Federaalka, kuwaasi oo ka qayb galey howlgaladii hore oo dhacay.

    Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa kal hore boqolaal Askari ku daabushay Caasimadda Galmudug, iyadoona dowladda sheegtay inay ka qeyn qaadan donaan sugida amniga Magaalada iyo howlgalo kale.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here