Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada xooga dalka oo ku yaal shabeelaha Dhexe

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad, waxaana halkaas fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin weerar kusoo qaaday Al-shabaab.

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen, isla markaana ay war hayeen weerarkaas waa sida hadalka loo dhigay.

    Dadka deegaanka Raaxoy ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

    Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabbagal ah ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi, iyadoona intaas kadib uu dagaal toos ah uu dhexmaray labada dhinac.

    Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka dhaba-galka uu Ciidanka Burundi ku qabsaday deegaanka Qalimoow oo 30 Km ujira degmada Balcada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo dagaalo toos ah ku qaaday Saldhiyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Hirshabeelle gaar ahaan inta u dhexeeysa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here