Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay Jowhar

    Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Cali Guudlaawe ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyay kulankii todobaadlaha ee golaha Wasiirada Hirshabeelle

    Shirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay yihiin amniga Warbixin howleedka todobaadlaha ee Wasaaradaha  iyo ka doodista dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah oo Cutubkiisii labaad todobaadkaan lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

    Shirka Golaha Xukuumada oo todobaadkiiba mar qabsooma waxaa maanta goluhu falanqeeyeen aaaladaha amaanka ee deegaanada iyo degmooyinka DG Hirshabeelle iyo in dhowaan la sameyn doono howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo lagu xureynayo deegaano badan.

    Shirka intii uu socday waxaa warbixin howleedka todobaadka looga dhageystay wasaaradaha hirshabeelle iyadoo Wasiiradana la faray inay laba laabaan waajibaadka shaqo ee ay umadda u hayaan.

    Sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada intii u socday waxaa aad looga dooday qorshaha dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo cutubkiisii labaad guddiga dhameystirka usoo gudbiyeen DG Hirshabeelle si ay usoo indha indheeyaan wixii caqabad ku ah bulshad hirshabeelle iyo guud ahaan umadda Soomaliyeedna meesha uga saaraan.

    Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka Cali Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shir gudoominayay shirka golaha ayaa guddi 11 Wasaaradood ah u saaray talo kasoo bixinta howlaha dhameystirka Dastuurka.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here