Madaxweyne qoor qoor oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta daahfuray Mashruuca dhismaha Madaxtooyada Cusub ee  Galmudug iyo Saddax wasaaradood.

    Madaxweyne Qoorqoor, ayaa maanta daah furay macruuc horumarineed oo lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo saddax wasaaradood sida; Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo amniga.

    “Hirgelinta mashruucan waxa iska kaashanaya maamulka Galmudug iyo hay’adda SSF” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Qoorqoor.

    “Hoggaanka cusub ee Galmudug waxa ka go’an dib u dhiska deegaanka iyo hirgalin hay’adda dowli ah oo si hufan adeegyada loo igmaday” ayaa la sii raacsiiyay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here