Halis soo wajahday in ay joogsato shixnadaha ganacsiga caalamka

    Waxaa sii xogeysanaya walaaca laga qabo caabuqa Coronvirus oo adduunka si xowli ah ugu faafaya,iyada oo dalal badan uu saameeyay xanuunkaan ay la tacaalayaan,mana jirta ilaa iyo hadda daawo lagu bogsoon karo oo loo isticmaalo Corona waana ta sii mujinaysa xalaadda.

    Xanuunkaan oo markiisii hore kasoo bilowday Magaalada Wohan ee dalka Shiinaha isaga oo gaaray Wadamada kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia, Koonfurta Kuurya,Maraykanka,Talyaaniga, Japan, Faransiiska, Britain,Kenya Itoobiya iyo dalal kale oo badan.

    Hay’adda caafimaadka adduunak ee WHO ayaa caabuqaan u aqoonsatay xaaladda caafimaad oo caalami ah,Guud ahaan tirada dadka Caalamka ugu geeriyooday Caabuqaasi waxay kor u dhaaftay 5,500 oo qof, iyadoo in ka badan 114,000 oo kalena laga helay Fayriska.

    Shabakadda Wararka ee Worldmeter ee ururisa Kiisaska cusub ee Koronafayriska waxay sheegtay in uu caabuqaasi ku faafay in ka badan 115 Waddan.

    Dalka Koonfurta Kuurya waxaa caabuqaasi laga helay 7,513 qof, Dalka Talyaaniga 9,172 qof, Iran 7,161 qof, Japan 530 qof, Faransiiska 1,412 qof, Maraykanka 729 qof iyo Britain oo Caabuqaasi laga helay 321 qof.

    Xeeldheerayaasha aya arumeysan in maalmaha soocda ay suurtagal tahay in la hakiyo isusocodka Maraakiibta iyo Diyaaradaha,Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo  koraya waxaa ay ku tiirsantahay cuntoonyinka uga yimaada Dibadda.

    Waxa tilmaamayaan xeeldheerayaashu mar hadii uu istago isku socodka dunida gaar ahaan Maraakiibta Cuntada keenta in qiimaha circa isku shareeri karo sicir bararna uu ka dhalan karo,iyada oo sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay halis u geli karaaan nafaqadarro bahaasan maadaama aysan Soomaaliya laheyn wershado ay uga maarmi karto waxyaabaha uga yimaada Dibadda.

    Sidaas darted waxa ay soo jeedinayaan in ka hor inta aan la hakin Maraakiibta iskaga kala goshta caalamka in dadka Soomaaliyeed ay keydsadaan cunto ku filan muddo 3-bil ah gaar ahaan Cuntooyinka energy-ga badan leh sid Baastada, Burka, Bariiska, Saliida, iyo kuwa kale ee muhiimka u ah aadanaha taas

    Dhinaca kalana waxaa lagusoo waramayaa in wadamo badan oo uu gaaray cudurkaan sida Yurub in ay cuntada ka go’day goobaha weliba ay haawanayaan dukaamada kadib markii dadku ay ku yaaceen.

        

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here