Dowlada Soomaaliya ayaa lawareegtay gacan ku haynta Dagmada Janaale

    Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Macallin Suugaani ayaa warbaahinta Madaxbanaan  u sheegay in ciidanka dowladda ay saakay gabi ahaanba la wareegeen magaalada janaale ee gobalka Shabeelaha hoose.

    Sarkaalka ayaa sheegay in iska hor imaad ciidanka dowladda iyo Al shabaab ku dhexmaray magaaladaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan isaga oo xusay in 9 dagaalame ay ka dileen dhaqdhaqaaqa Al shabaab sida uu hadalka u dhigay.

    Dhanka kale Macallin Suugaani ayaa tilmaamay in shacabka ku dhaqan Janaale ay kala kulmeen soo dhoweyn aad u wanaagsan waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in degmooyin iyo deegaano kala ay kala wareegi doonaan Al shabaab.

    Ugu dambeyn sarkalkan ayaa inoo sheegay in xaaladda degmada ay haatan tahay mid degan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here