Ka warbixin cudurka Coronavirus, sida ay ula tacaashay dowlada China iyo tallo looga hortagi karo inuu faafo caabuqaas

    maxaynu ka barankarnaa dowlada china sideey u xakaymasay coronovirus?

    waxay aheed bartamihii bishii 12aad sanadii 2019 markii si lama filan ah aynu u maqalnay in xanuun aan la aqoon uu ka dilaacay suuq lagu iibsho cunooyinka bada iyo xayawaanada duurrjoogta ah ee magaalda wuhan ,dadkii ugu horeeyay ee u soo ritay oo markaa ah 25 qof baa la dhigay isbitaalada magaalada .

    dadka ku dhaqan magaalada waxaa soo foodsaartay cabsi aad u fara badan iyagoo mar qura soo xasuustay Xanuunkii SARS(severe acute respiratory syndrome ) oo isna ah mid ka mid ah coronovirus oo ka dilaacay china dabayaqaadii 2002 iyo horaantii 2003 kaasoo saameeyay dad gaaraya 8098 qof una dhinteen dad dhan 774 qof .

    Dadka ayaa bilaabay si qarsoodi ah in ay iska ka digaan xanuunkaan aan la aqoon ee ka dilaacay magaalada wuhan ,dadka waxaa ka mid ah doctor LI WENGLIANG oo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada indhaha iyo dhaqaatiir kale oo ay isku class ahaayen berigii jaamacada ayaa bilaabay in ay fariimo digniin ah ay iskula wadaagaan guruub (Wechat )ka, oo ah aalad sida whatsappka china loogu isticmaalo .

    fariimihii digniinta ahaa ayaa marqura waxaa lagu faafiyay baraha bulshada ee china ugu caansan talaabadii ugu horaysay ee dowlada hoose gobolka Hubei wuhan ee china ee qaaday ayaa noqotay in la aamusiyo dadka faafinaya fariimaha noocan oo kale ah oo cabsida abuuraya dadkaana waxaa ka mid ah doctor LI iyo dhaqaatiirtii ay saaxiibada ahaayeen.

    Dec 31 2019 dowlada china ayaa markii ugu horaysay warbixin ku saabsan xanuunkaan u gudbisay hay ada caafimaadka aduunka una balanqaaday in ay sida wax u jiraan ula wadaagi doonto .

    January 1st 2020 waxa la xiray suuqii lagu iibinayay xayawanaadka duurjoogta iyo cunooyinka badda oo markii hore xanuunkaan lagu arkay iyadoo markaan dadka xanuunka sii qaaday ay noqdeen 40 qof .

    January 7th 2020 kadib baaritaan socday waxaa la shaaciyay xanuunkaan in uu yahay mid kamid virus yada coronavirus kuna guruub yahay fayrasyada kala ah SARS ,MERS una baxsheen magac ku meel gaar ah 2019ncov (2019 novel coronovirus ).iyagoo na sheegay meesha laga keenay in eey tahay xayawaan doorjoog ah sidaana bini aadanka u qaadsiiyay.

    January 11th 2020 dowlada china ayaa ku dhawaaqday dhimashadii ugu horaysay ee xanuunka .

    January 13th hayada caafimaadka aduunka WHO ayaa shaacisay in hal case laga helay Thailand .

    January 17 th WHO hay adda caafimaadka aduunka waxy sido kale shaacisay in kiisas laga helay Japan ,Nepal ,united states ,France ,Australia ,Malaysia ,Singapore ,South Korea ,veitnam ,iyo Taiwan .

    January 18th dowlada china ayaa sheegtay in xanuunkaan in bin aadan bin aadan kale u gudbin karo ,si sahlana dadka isku qaadsiin karaan .

    Waxaa soo dhawaaday markaas fasaxii sanadka cusbaa ee china ahna fasaxa ugu weyn eey helaan china ,sida caadiga xiligaan oo kale sanadkasta waa marka ay ugu socodka badanyihiin dadka chineseka ah ayagoo ukala safra dhamaan magaalooyinka china iyo caalamka oo dhan .

    January 22th dowlada china ayaa shaacisay dadka cudurka qaba ay yihiin markaan 550 qof dhimashaduna ay tahay 17 qofood .

    Habeenkii ay soo galaysay 23ka bisha dowlada hoose gobolka hubei ayaa soo saarty warqad ay ku sheegayan in maalinamada beri ah la xiri doono dhamaan airporada ,tareenada ,basaska , iyo dhamaan wixii wadooyin ah ee magaalada ka baxaya wax soo galaya iyo wax ka baxaya toonana aysan jiri doonin .

    Habeenka waxay ii aheed habeen aanan hilmaami doonin inta aan noolahay cabsida aan dareemayna ma ahan mid aan erayo Iyo qoraal gooni ah an ku cabiri karo .
    Waxaa la sheegaa ugu yaraan habeenkaas in ay magaalada ka baxeen dad ka badan hal malyan qof ha hilmaamin todabaadkaas oo dhan magaalada waa laga baxayay lkn habeenkaa habeen waxay aheed cidii aan haysan xitaa tikit ay ku baxaan eey go aansadeen in ay lug uga baxaan magaalada.

    January 23th keedi waxaan ku soo kacnay dhamaan magaaladii wuhan oo xiran meel furan na aysan jirin ,bas iyo taksi shaqeeyana aysan jirin .qof walba markaan waxaa soo wajahay xaalad adag oo nolosha ah qof qof dhaamana ma jirto ,argagax iyo qalqal baa qof walba ku beermay dadka u dhashay deegaankana waxaa u dheera caro iyo ciil ay u qabaan dowlada oo ay u arkayeen in ay arinta sahlatay tirada rasmiga ah iyo sida ay wax u jiraana aysan dadka la wadaagin.

    Go doonkii iyo karaantiil kii aan kalnay maalintaa ilaa iminka waan ku jirnaa ..

    Dowlada china waxay bilawday maalinta in si deg deg ah loo dhiso laba istibaal oo lagula dagalaamayo xanuunka qorshena looga dhigay 10 casho gudaheed in lagu so afmeero ..

    january 30th hay adda caafimaadka aduunka WHO ayaa ku dhawaaqday in coronovirus aduunka qatar ku yahay .

    February 1st dowlada china ayaa ku dhawaaqday 11 791 qof in ay cudurka qaaday 259 qofna ay dhimatay

    Xaalku halka markuu gaaray xaaladuna sii xumaanayso dowladaha calaamka ee muwaadinoontooda eey ka joogaan magaalada wuhan iyo dhamaan magaalooyinka gobolka hubei waxay bilaabeen in ay kala baxaan dadkooda .

    Waxaa gabaabsi noqday qalabkii sheybaar ee cudurka lagu baarayay ,waxaa la waayay sariiro bukaanada la seexsho , waxaa yaraaday qalabkii caafimaadka sida maasaska wajiga lagu xirto ,dharkii difaaca iyo ookiyaalayasha bahda caafimaadku xirtaan ,meydadkii iyo bukaanada xanuunka qaba ayaa isku darsamay .

    Dowlada ayaa ku dhawaaqday in dhaaman xarumaha dowladu leedahay sida garoomada kubada cagta , dukaamada waaweyn ,beeraha laga dhigo si ku meel gaar ah isbitaalo .

    February 3th waxa la furay isbitaalkii ugu horeeyay ee dowladu ku dhistay mudo 10 casho ah

    February 7th doctor li wengliang oo ahaa dhaqtarkii ka digay xanuunka ayaa ugu danbeentii sababsaday in uu dhinto xanuunkii uu ka digayay ..

    Dhimashada dhaqtarka waxay caro badan ku abuurtay qof walba oo chinese ah iyadoo dhimashadiisu ay noqotay mid hal mar dunida dhan saamaysay .

    tacsidiisa waxaa laga dareemay guud ahaan magaalooyinka china oo idil.

    February 8th dowlada china u soo magacaawday gudi dhimashadii docotr li wengliang misna xilka ka qaaday dhamaan madaxdii xisbiga dalka ku matalaayay gobolkaas wixii inta ka danbeeyay na dowlada dhexe ee beijing ayaa la wareegtay masuuliyada xanuunka .

    February 9th dhimashada xanuukaan ayaa ka saramaray xanuunkii SARS ee 2002 dii
    Waxay noqotay dhimashadu maalintaa 811 qof iyo 37198 qof xanuunka qaba .

    February 11th hay adda caafimaadka aduunka ayaa magacii ku meel gaarka ah xanuunka ee 2019ncov (2019 novel coronovirus ) u bedeshay COVID 19 (coronovirus dissease 2019 ) magaca viruskana SARS COV-2 .

    February 14th Egypt ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee africa ee cudurku gaaray .

    February 15th dowlada china ayaa shaacisay maalintaa in xanuunku 24kii sac u danbeesay uu ku dhacay dad dhan 15000 qof iyadoo wadarta guud dadka cudurka qabaa maalinta ka dhigtay 66492 qof ,dhimashadana noqotay 1500 qof .

    Sare u kacaas saaidka ayey dowladu ku macnaysay in eey wax ka badaleen sharuudaha eey cudurka ku ogaadan oo markii hore saldhig u Aheed in DNA fayraska ka la baaro si loo xaqiijiyo in cudurka qofku uu qabo jawaabta sheybaarkas ayaa qaadanaysay in maalma la sugo lkn hada waxay saldhig uga dhigaan calaamadaha qofka iyo xaaladiisa guud iyo in CT scan lagu ogaado xanuunka .

    February 18th dowlada china ayaa maalintii ugu horaysay ogaatay in 24kii saac u danbeeyay dadka xanuunka soo ritay eey ka yaraadeen 2000 qof markii loo barbardhigo todobaadyadii ka horeeyay iyadoo wadarta guud cudurka dadka qabaa maalinta ay noqotay 72436 qof dhimashaduna ay aheed 1868 qof .

    February 20th —ilaa manta march 17 2020 kiisaska cudurka china ayaa in mudo ku dhaw bil ah mid hoos u sii dhacaaya iyadoo manta dhamaan magaalooyinka china tirada cudurka dadka qaaday 24kii saac la soo dhaafay eey ka yaryihiin 22 qof .

    Sidaas maanta waxay ku noqonaysaa tirada guud ee dadka cudurka ku dhacay gudaha china tan iyo bilawgii xanuunkaan :

    Tirada inta uu ku dhacay :81099
    Inta ka bogsootay: 67872
    Inta dhimatay guud ahan :3218.

    March 16 2020 waxa kiis kii ugu horeeyay lagu arkay somalia .

    Casharadii aan ka baranay china

    1. Marnaba ha fududaysan hana isku dayin in aad qariso cudur saf mareen ah.
    2. Xakameenta ugu wanaagsan ee cudurka waa inta bilawga yahay mar haduu faafo xakamiintiisu maha mid sahlan .
    3. Hadii cudur saf mareen ah uu faafo in uu gaaro halka ugu saraysay waxay qaadan kartaa mudo bil ah ama in kabadan .
    4. Hadii cudurku faafo dadaalka ugu badan iyo dagaalka ugu daran waxay noqon doontaa in xowliga uu ku socdo la xakameeyo kama dhigna markaa in la suulindoono cudurka (flattening the curve ).
    5. Qaabka ugu wanaagsan ee mar haduu faafo lagu xakameen karo waa in la karaantiilo magaalada uu ku faafay .
    6. Karaantiilku wuxuu keeni doona saameyn dhinac walba ah .
    7. In la badiyay awooda baaritaanka cudurka si loo kala sooco dadka cudurka qaba iyo inta bad qabta .
    8. Dadkii xiriirka dhaw la lahaa ama si uun ula kulmay qofkii cudurka qabay waxay noqdeen dadka ahmiyada gaarka la siiyay si loo xakameeyo fayraska.
    9. Shirkadaha isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada oo qeeb lixaad leh ka qaatay in ay soo helaan xogta qofkii cudurka looga shakisanyahay lana socdaan dhamaan dhaqdhaqaaqa qof walba .
    10. meel walba oo deegaan ah waxaa la geeyay dad mutawaadiciin ah oo dadka ka baaraya maalinkii laba jeer heer kulka jirkooda qofkasta oo meeshaas ku nool.

    inkastoo talaabooyin fara badan ay china qaaday kuma wada xusi karo halkaan maqaal oo kaliya lkn waxaa inooga muuqda cashara aad u farabadan iyo habab mudan in aynu wax badan ka qaadano.

    Maadama maaliintii shaley aheed dalka laga helay xanuunkii ugu horeeyay waxaa haboon in laga faaidaysto marxalada inta ay nugul ka tahay oo talaabooyin ad adag laqaado .

    talaabooyinkaas oo la dadajiyo waxay badbaadinaysaa dhamaan ummada soomaaliyeed .

    GEERIDII GALBEED LAGA SHEEGO
    GUNDAHAAGA KA FILO

    W/Q Dr Yahya Abdullahi ALI

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here